Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo maanta xukun ku riday Dhagarqabe katirsan Argagixisada Al-shabaab

Date:

Yacquub Cabdullaahi Cabdi Xasan “CabdiNaasir” ayaa u dhaawacmay August sanadkii tegay Rasaas ay ku fureen Ciidamada Amniga kadib Bam uu ku tuuray waaxda Taleex.

 


ilaa 2018 ayuu Alshabaab ka tirsanaa, waxa uuna labadiisii sano ee u horreeyay ku qaatay Duurka, waxa uu dhowr dagaal oo Arbushaad ah ka sameeyay Gobalka Shabeelada Hoose.
kadib markii uu ka bogsaday dhaawicii ay Ciidamada Amniga u gaysteen, waxaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada lagu soo Wareejiyay May Sanadkan.

 

Baaritaan dheer kadib, waxaa lagu helay dambiyo ay kamid yihiin Bambooyin uu ku Tuuray Bar Ciidamada Amniga ay ku lahaayeen Warshadaha Gaar ahaan Warsame Dool iyo Bamka uu ku tuuray Taleex oo ahaa kii lagu Qabtay oo ay Ciidamada Amniga ku dhaawaceen.
Maxkamadda Ciidamada ayaa ku xukuntay 20-sano oo Xabsi Ciidan ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...