Ra’iisulwasaaraha Israaiil oo ka hadlay socdaalka uu israaiil ku imaanayo Madaxweynaha Mareekanka

Date:

Muqdisho,10,7,2022:Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Yair Lapid ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu farriin nabadeed iyo rajo ah ka sido Israa’iil, taasi oo ku wajahan Sacuudiga inta uu ku guda jiro booqashadiisa la filayo inuu ku tago Bariga Dhexe.

Waxaa la qorsheeyay in Biden uu booqdo Sucuudiga, Israel iyo Daanta Galbeed ee ay haysato Israa’iil inta u dhaxaysa 13 ilaa 16 Luulyo sida laga soo xigtay warbaahinta Maraykanka.

Hadalka Lapid ayaa yimid saacado kaddib markii Biden uu difaacay inuu beddelo mowqifkiisa Sacuudiga oo uu doonayo in uu marmarsiiyo u helo booqashadiisa, oo muran ka dhalisay Mareykanka.

Lapid, ayaa hadallo uu jeediyay intii lagu guda jiray shirkii toddobaadlaha ahaa ee golaha wasiirada Israa’iil, wuxuu u jeediyay waddamada kale ee Carabta inay xiriir la sameystaan Israa’iil.

Warbaahinta Israa’iil ayaa la-yaab ku tilmaamtay in mas’uul ka tirsan Israa’iil uu madaxweyne Biden u raaci doono safarka uu ku tagayo Sucuudiga, halkaas oo uu madaxweynuhu kula kulmi doono madaxda Carabta

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...