Ra’iisulwasaaraha Israaiil oo ka hadlay socdaalka uu israaiil ku imaanayo Madaxweynaha Mareekanka

Date:

Muqdisho,10,7,2022:Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Yair Lapid ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu farriin nabadeed iyo rajo ah ka sido Israa’iil, taasi oo ku wajahan Sacuudiga inta uu ku guda jiro booqashadiisa la filayo inuu ku tago Bariga Dhexe.

Waxaa la qorsheeyay in Biden uu booqdo Sucuudiga, Israel iyo Daanta Galbeed ee ay haysato Israa’iil inta u dhaxaysa 13 ilaa 16 Luulyo sida laga soo xigtay warbaahinta Maraykanka.

Hadalka Lapid ayaa yimid saacado kaddib markii Biden uu difaacay inuu beddelo mowqifkiisa Sacuudiga oo uu doonayo in uu marmarsiiyo u helo booqashadiisa, oo muran ka dhalisay Mareykanka.

Lapid, ayaa hadallo uu jeediyay intii lagu guda jiray shirkii toddobaadlaha ahaa ee golaha wasiirada Israa’iil, wuxuu u jeediyay waddamada kale ee Carabta inay xiriir la sameystaan Israa’iil.

Warbaahinta Israa’iil ayaa la-yaab ku tilmaamtay in mas’uul ka tirsan Israa’iil uu madaxweyne Biden u raaci doono safarka uu ku tagayo Sucuudiga, halkaas oo uu madaxweynuhu kula kulmi doono madaxda Carabta

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...