Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya.

Date:

MUQDISHO-10-7-2022-:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya.

 

Madaxweynaha ayaa markii uu ka degay Garoonka Caalamiga ah ee Asmara waxa halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo afar maalmood qaadanaysa ku tegay dalka Ereteriya, isaga oo wada-hadallo labo-geesood ah oo ku aaddan xiriirka iyo iskaashiga labada dal la yeellan doona dhiggiisa dalkaas.

Labada Madaxweyne ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan xiriirka iyo iskaashiga labada dal yeellan doonaan iyo Arrimo kale oo ku saabsan Geeska Afrika.

Dalka Eritrea ayaa waxaa ku sugan yihiin ciidamo Soomaali ah oo tababar ay ugu dirtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Dhalinyarada loogu qaaday tababarka Eretria, ayaa muddo dheer waxaa hareeyay su’aalo badan oo ku saabsan badqabkooda, iyadoo dadka qaar ay sheegeen in laga yaabo in qaarkood ay ka qeybgaleen dagaalkii Ethiopia. Warkan ayaan loo heyn wax caddeyn ah oo xaqiijinaya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafladdii xil-wareejinta ku wareejiyay gal gaar ah oo la xariira xogta dhallinyarada ciidanka ah ee tababarka loogu diray Eretria.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...