Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa DFS oo u ambabaxay Boqortooyada Sucuudi Carabiya halkaas oo ay ku martiqaaday Wasaaradda Bey’adda dalkaas

Date:

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa DFS Xildh. Maxamed Aadan Macalin (Somali) iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud & Agaasimaha Caafimaadka Xoolaha ee Wasaaradda ayaa safar shaqo ugu ambabaxay Boqortooyada Sucuudi Carabiya halkaas oo ay ku martiqaaday Wasaaradda Bey’adda ee dalkaas.

Si loo dardar galiyo dhoofka xoolaha ee Soomaaliya oo dhowaan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa DFS ku guulaysatay in xayiraadii dhoofka laga qaado iyo dhoofinta hilibka ceerin oo iyadana la doonayo in loo dhoofiyo dalkaas.

Wafdiga Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa DFS ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona dhigiisa Boqortooyada Sucuudiga iyo Madaxda Haayadda Cuntada & Daawooyinka ee Sucuudiga waxaana la filayaa in sanadkan ay gaarto tirada xoolaha loo dhoofinayo sucuudiga ku dhowaad 1 Million oo neef.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Sweden

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed CXD ayaa fuliyay howlgallo amni...

Degmada Dhahar oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka bisha Ramadaan

Degmada Dhahar oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa u...

Safiirka Soomaaliya ee Australia oo aqoonsiga laga guddoomay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Australia...