Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa DFS oo u ambabaxay Boqortooyada Sucuudi Carabiya halkaas oo ay ku martiqaaday Wasaaradda Bey’adda dalkaas

Date:

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa DFS Xildh. Maxamed Aadan Macalin (Somali) iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud & Agaasimaha Caafimaadka Xoolaha ee Wasaaradda ayaa safar shaqo ugu ambabaxay Boqortooyada Sucuudi Carabiya halkaas oo ay ku martiqaaday Wasaaradda Bey’adda ee dalkaas.

Si loo dardar galiyo dhoofka xoolaha ee Soomaaliya oo dhowaan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa DFS ku guulaysatay in xayiraadii dhoofka laga qaado iyo dhoofinta hilibka ceerin oo iyadana la doonayo in loo dhoofiyo dalkaas.

Wafdiga Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa DFS ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona dhigiisa Boqortooyada Sucuudiga iyo Madaxda Haayadda Cuntada & Daawooyinka ee Sucuudiga waxaana la filayaa in sanadkan ay gaarto tirada xoolaha loo dhoofinayo sucuudiga ku dhowaad 1 Million oo neef.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay keydad biyo ah oo ay lahaayeen Khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keydkii...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax...

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Aqalka sare ee maanta?

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo...