Madaxweynaha Hiirshabelle oo amray in dhawacyada wariyaasha qaraxii Hiiraan ka dhacay loo soo qaado Muqdisho.

Date:

Muqdisho-Juun-27-20222-:Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe ayaa qadka telefanka kula xiriiray wariyeyaashii ku dhaawacmay qarixii saakay ka dhacay duleedka magaalada Baladweyne.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa mid mid ula hadlay labada Wariye ee kala ah Khaalid Maxamuud Cusmaan (Ilkacase) iyo Cabdikariin Shabeelow waxa uu u muujiyay sida uu ula dareemaayo xanuunka dhaawacyada soogaaray.

Waxaa kale oo uu madaxweynaha amray in la soo qaado Saxafiyiinta ku dhaawacmay qaraxaasi madaama maanta lagu sii dabiibayay cusbitaalka Istarliin ee Degmada Guriceel.

Mudane Cali Cabdullahi Xuseen ayaa u balan qaaday labada Saxafi in uu si dhaw ula socan doono Xaaladooda Caafimaad oo hada soo hagaageyso.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ilaah ugu baryay in rabi caafimaad deg deg ah siiyo .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...