Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta la filayo inay codka kalsoonida u qaadaan ra’isal wasaaraha cusub.

Date:

MUQDISHO-JUUN-25-6-2022-:Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS ayaa maanta oo sabti ah yeelanaya mid kamid ah kulamadooda kaas oo ah mid xasaasi ah.

Kulankaan ayaa ajandihisa waxa uu yahay sida xalay xildhibanada lagu wargaliyey in xildhibanada codka kalsooni-da siyaan  Ra’iisul Wasaaraha magacaaban mudane Xamse Cabdi Barre.

 

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa loo diray farriin qoraaleed lagu wargelinayo fadhiga maanta oo ah  Ajandaha kalsooni-siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban.

 

Kulankaan ayaa imaanaya iyadoo shalay dalka dib ugu soo laabtay madaxweynaha Jamuuriyada Federaalka Soomaaliya Hassan sheikh maxamuud oo maalmihii danbe socdaal ku joogay dalka isutaga imaaradka carabta.

 

Hadii xildhibanada maanta codka siyaan Raisulwasaraha ayaa mudane Hamse Abdi bare ayaa waxaa hortaala shaqo culus.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...