Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Dhageysatay Dacwo Loo Haysto Eedeysanayaal.

Date:

maxkamada darajada 1aad ee ciidanka Qalabka sida qeybta 27aad ayaa bilowday dhageysiga dacwad loo heystay 10 eedeysane oo lagu soo qabtay falal kala duwan.

Maxkamadda ayaa la horkeenay eedeysane dable ah Kamaal Cabdulle Maxamed iyo eedeysane dable Axmed Cali Qanyare, kuwaas oo lagu eedeeyay dilka marxuum Cabdirashiid Maxamed Cabdi Mahadalla.

Maxkamadda darajada 1-aad ayaa sidoo kale la horkeenay dambiilayaal ka tirsan ciidanka iyo kuwa kale oo isaga tagay ciidanka.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle  Aadan ayaa soo gabagabeeyay dhageysiga dacwadahaasi, waxaana  maxkamadda laga sugayaa go’aanka kama dambeysta ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...