Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Wakiilka cusub ee UNICEF ee Soomaaliya

Date:

Muqdisho, June 20, 2022 – Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan , ayaa  xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Daryeelka Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Wafaa ElFadil Saeed Abdelatef.
Intii lagu guda-jiray kulanka qaabilaadda, ayaa waxaa lagaga wada hadlay dhowr qodob oo muhiim u ah labada dhinac oo ay ka mid yihiin sare u qaadidda iskaashiga mira-dhalka ah iyo xoojinta wadashaqaynta xooggan ee Soomaaliya kala dhexeeya Qaramada Midoobey iyo hay’adaheeda gaarka ah si loo gaaro ujeeddada la hiigsanayo oo macno wax ku ool ah ku leh dano wadaagga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...