Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Shir guddoomiyey shir heer Wasiiro ah oo looga hadlayey maamul baahinta Puntland+SAWIRRO .

Date:

MUQDISHO-JUUN-20-6-2022-:Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Shir guddoomiyey shir heer Wasiiro ah oo looga hadlayey maamul baahinta Puntland ee (JPLG)

Shirkan oo sanadkii laba jeer qabsooma waxaa kasoo qayb galay ,Wasiirada wasaaradaha bahwadaagta la ah mashruucha, Agaasimaha Madaxtooyada iyo masuuliyiinta xafiiska maamul baahinta Puntland (JPLG)  waxaana looga hadlay, Xog-waran ku saabsan dibu-eegista siyaasada maamul baahinta, Warbixin ku aadan soo dhamaystirka xeerka Biyaha oo  laga  dhegaystay Wasiirka Tamarta, Macdanta iyo Biyaha  Puntland, Dar-dargelinta qoondada dowladdu ku bixiso hawlaha fidinta adeegyada horumarinta maxalliga ah oo laysla gartay in sida ugu dhakhsaha badan looga hawl galo iyo Ansixinta wareejinta 20 xarumo Caafimaad  iyo 33 xarumo waxbarasho ee laysku af-gartay shirkii  guddiga farsamo ee qabsoomay  21-22, March, 2022 oo shira lagu ansixiyey.

Ugu dambayn Madaxweyne ku xigeenka oo hadal koobaan ka jeediyey ayaa xusay muhiimada ay leedahay maamul baahinta iyo in cid walba ka qaadato qaybta kaga aadan isaga oo amray wasaaradaha mashruucu la xiriiro inay fududeeyaan hawlaha looga baahan yahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr....

Kulan loogu duceeyay shuhadadii naftooda u huray qaranka Soomaaliyedd ee CXD oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirrada Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta...

Kaaraan oo kaalinta 3-aad ka gashay Tartan Cilmiyeedka Ramadaanka ee Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Kaaraaan ayaa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee...