Guddoomiye ku xigeenka Labaad Baarlamaanka Galmudug oo gaartay deegaanka Qorye-weyn.

Date:

Muqdisho-Juun-14-2022-Guddoomiye ku Xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug Faadumo Cabdi Cali oo maal mahaan kormeero ay ugu kuur galaysay  abaaraha iyo saameeynta nolasha bulshada ee ay abaaruhu ku yeesheen ku mareeysay deegaanada fog fog ee waqooyi bari gobalka Mudug ayaa maanta gaartay deegaanka Qorya -weyn halkaas oo ay ka taagan tahay xaalad bini aadanimo oo adag isla markaana u baahan gurmad dag dag ah.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug Faadumo Cabdi Cali oo ay wehliyeen wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka galmudug Dr Mahad caabi Ciise iyo wasiirka wasaarada warfaafinta Galmudug Axmed shire Falagle ayaa markii ay gaareen deegaankaasi Qoryo weyn waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay bulshada ku nool halkaasi iyagoona soodhaweeyn kadib ka warbixiyay xaalada deegaanka oo ay xuseen in ay ka jiraan abaaro iyo biyo la,aan xoogan kadib markii ay gureen ceelal gacameedyo yar yar oo dadku biyaha ka cabi jireen kuwaas oo markii horaba aan laheyn biyo nadiif ah.

Wafdigaan ayaa intaasi kadib kormeeray ceelasha ay dadku biyaha ka cabi jireen kuwaasi oo gabi ahaanba biyo yaraaday taasoo keentay in qoyasas fara badani ay isga hayaameen deegaanka kadib markii ay waayeen baad iyo biyo..

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Galmudug Faadumo Cabdi Cali ayaa intaasi kadib usameysay dadka deegaanka biyo dhaamin aan sidaas u badneyn balse ay uga gol laheyd bad baadinta inta tabarta yar ee ku hartay halkaasi iyadoo dhanka kalana codsatay in si dag dag ah loogu soo gurmado guud ahaan deegaanada fog fog ee ku yaala dhanka waqooyi bari gobalka mudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Guddoomiyaha Aqalka Sare Gufdoonsiiyay haddiyad ka timid Madxafka Nabadda Carta.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dalka dib ugu soo laabtay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

CXD oo howlgal ka fuliyay Buula Madiina oo hoostagta degmada Afgooye ee gobolka Sh.hoose.

Ciidamada Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD) ayaa...

Eighth CIIE sees 80% more African exhibitors from a year ago.

The 8th China International Import Expo (CIIE) marks the...