Midawga Afrika oo Putin oo kala hadlay saamaynta dagaalka Ukraine ee Afrika

Date:

MUQDISHO-4-6-2022-Mas’uulka ugu sarreeya Midowga Afrika ayaa Jimcihii la kulmay Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, iyagoo ka wada hadlay dagaalka Ukraine iyo saameynta uu ku yeeshay dalalka Afrika, gaar ahaan hakinta ku timi dhoofinta hadhuudhka iyo sarreenka, taasoo keentay inay sare u kacaan qiimaha cuntada ee dalal badan oo ku yaalla qaaradda Afrika, waxaana taasi keentay in malaayiin qof oo Afrikan ahi inay gaajo soo foodsaarto.

Madaxweynaha dalka Senegal Macky Sall oo ah guddoomiyaha Midawga Afrika ee sannadkan oo kula kulmay madaxweyne Vladimir Putin magaalada Sochi ee dalka Ruushka ayaa sidoo kale kala hadlay dagaalka Ukraine iyo saamaynta uu ku leeyahay 1.3 bilyan oo qof oo Afrikan ah.

Dagaalka Ukraine ka hor, waxay dalalka Afrika ay sannadkiiba ka soo dhoofsan jireen dalalka Ruushka iyo Ukraine, 30 milyan oo tan oo sarreen, hadhuudh iyo gallay ah, hase ahaatee dagaalka ayaa yareeyey dhoofintii waxsoosaarka beeraha ee Ukraine iyo Ruushka, iyo weliba qiimaha shidaalka oo isna cirka isku shareeray.

Shirkii Jimcihii, ayaa madaxweyne Macky Sall, oo hadda ah guddoomiyaha Midowga Afrika, wuxuu ku boorriyay madaxweyne Putin inuu il gaar ah ku eego, in waddamada Afrika ay ” dhibanayaal” u noqdeen colaadda Ukraine, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Faransiiska. Waxa uu sheegay in sahayda cunnadu ay noqoto mid aanay saamayn ku yeelan cuna-qabataynta ay wadamada reer galbeedku ku soo rogeen dalka Ruushka.

Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina ayaa walaac ka muujiyey tallaabada ay dawladda Ruushku ku hor-istaagtay maraakiibta ku sugan badda madow, kuwaas oo siday malaayiin ton oo hadhuudh iyo sarreen ah kuwaas oo ay u wadeen dalal kala duwan oo ay ku jiraan qaaradda Afrika.

Bangiga Horumarinta Afrika ayaa dhawaan ansixiyay barnaamij ku kacaya illaa $1.5 bilyan oo dollar, si loo hubiyo in dalalka Afrika ay beertaan cunto ku filan oo ay ku quudiyaan muwaadiniintooda. Kooxda bangiga ayaa sheegtay in lacagtan ay ka faa’ideysan doonaan 20 milyan oo beeraley Afrikaan ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...