DHAGEYSO: Laamaha Amniga oo Degmada Deyniile ku qabtay Dhagarqabayal ka danbeeyey qarax shalay halkaas ka dhacay.

Date:

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xalay howlgalo dad badan lagu qabtay waxa ay ka sameeyeen xaafada Kordamac ee Degmada Deyniile Ee Gobolka Banaadir.

 

 

Gudoomiyaha Degmada Deyniile Abdishakuur Abuukar Macalin  ayaa sheegay in xalay baaritaano ay ka sameyeen  degmadaas ku qabteen dhagarqabayaal katirsan Argagixisada Al-shabaab oo ka danbeeyey Sida uu sheegay mar uu la hadlayey Warbaahinta  Qaraxii shalay lagu dilay Sargaal katirsan Milatariga Soomaaliya  Kaas oo Dhaawac weererkaan ka soo gaaray u geriyooday waxaana lagu magacaabi jiray Salaad Isaaq.

 

 

 

Sidoo kale waxaa Qaraxaan ku geriyooday Askar ilaalo u aheed sargaalkaan kaas oo miino nuuca wadada lagu Aaso ay haleeshay gaari nuuca raaxada ah oo uu watay xilli uu marayey Laamiga Deyniile.

 

DHAGEYSO CODKA Gudoomiyaha Degmada Deyniile Abdishakuur Abuukar Macalin  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...