Wasiirka Maaliyadda oo aaladda fogaan aragga uga qeybgalay shirka Wasiirada Maaliyadda Afrika

Date:

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aaladda fogaan aragga uga qeyb galay shirka Wasiirada Maaliyadda ee Afrika, kaasi oo looga hadlayay arrimo badan oo ay ugu horeyso kobcinta dhaqaalaha iyo ka soo kabashada saameynta dhaqaale ee cudurka COVID-19.

“Waxa aan galabta ka qeyb galay shirka Wasiirada Maaliyadda Afrika iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka David Malpass., waxa aan ka doodnay Qaarad ahaan iyo Dal ahaan sidii looga soo kaban lahaa saameynta Maaliyadeed ee COVID-19 iyo Caqabadaha Maaliyadeed”. Ayuu yiri Wasiir Beyle.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sharaxay habka Soomaaliya uu uga socdo hanaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo sida ay uga go’an tahay hufnaanta Maaliyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...