Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo gaadiid ku wareejisay Jubbaland “SAWIRRO”

Date:

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac iyo wafdi ay hogaaminayso ayaa waxaa garoonka Diyaadaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee Kismaayo ku soo dhaweeyay Wasiirka Duulista Hawada iyo gaadiidka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Cabdulaahi Dubat Shiil.

Wasiir Maryan ayaa waxaa socdaalkeeda Kismaayo ku wehlinayay  wafdi ka kaboon hawl wadeennada Wasaaradda iyo xubno ka tirsan maamulka Dakadda Muqdisho.

Wafdiga Wasiirka Dekadaha Soomaaliya ayaa si toos ah u gudo galay hawlihii ahaa ujeedka safarkooda oo ay u horraysay kormeer ay ku soo indho indhaynayeen xaaladda iyo shaqooyinka ka socda dakadda magaalada Kismaayo, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen xubno sar sare oo ka tirsan maamulka dakadda.

Kor meerka kadib Wasiir Maryam Aways Jaamac oo ka mahadcelisay soo dhaweynta loo sameeyay ayaa waxay Wasiirka Duulista hawada iyo gaadiidka ee Jubbaland mudane Cabdulaahi Dubat Shiil iyo Wasiirka gaadiidka badda iyo dakadaha Jubbaland mudane Cabdiraafic Maxamad Cali ku wareejisay gaadiid ay Dawladda Hindiya ugu deeqday Xukuumadda Soomaaliya oo qayb ka mid ahna loo asteeyay dawlad gobleedka Jubbaland.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Jubbaland Mudane Cabdulaahi Dubat Shiil ayaa dhinaciisa ka mahadnaqay gaadiidkan lagu wareejiyay, isaga oo sheegay in si buuxda looga faa’iidaysan doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)...