Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo gaadiid ku wareejisay Jubbaland “SAWIRRO”

Date:

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac iyo wafdi ay hogaaminayso ayaa waxaa garoonka Diyaadaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee Kismaayo ku soo dhaweeyay Wasiirka Duulista Hawada iyo gaadiidka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Cabdulaahi Dubat Shiil.

Wasiir Maryan ayaa waxaa socdaalkeeda Kismaayo ku wehlinayay  wafdi ka kaboon hawl wadeennada Wasaaradda iyo xubno ka tirsan maamulka Dakadda Muqdisho.

Wafdiga Wasiirka Dekadaha Soomaaliya ayaa si toos ah u gudo galay hawlihii ahaa ujeedka safarkooda oo ay u horraysay kormeer ay ku soo indho indhaynayeen xaaladda iyo shaqooyinka ka socda dakadda magaalada Kismaayo, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen xubno sar sare oo ka tirsan maamulka dakadda.

Kor meerka kadib Wasiir Maryam Aways Jaamac oo ka mahadcelisay soo dhaweynta loo sameeyay ayaa waxay Wasiirka Duulista hawada iyo gaadiidka ee Jubbaland mudane Cabdulaahi Dubat Shiil iyo Wasiirka gaadiidka badda iyo dakadaha Jubbaland mudane Cabdiraafic Maxamad Cali ku wareejisay gaadiid ay Dawladda Hindiya ugu deeqday Xukuumadda Soomaaliya oo qayb ka mid ahna loo asteeyay dawlad gobleedka Jubbaland.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Jubbaland Mudane Cabdulaahi Dubat Shiil ayaa dhinaciisa ka mahadnaqay gaadiidkan lagu wareejiyay, isaga oo sheegay in si buuxda looga faa’iidaysan doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...