Ganacsato Soomaaliyeed oo $10,000 ugu deeqday dhismaha safaaradda Soomaaliya ee Uganda

Date:

Midowga ganacstada Soomaaliyeed ee qalabka dhismaha ee dalka Uganda iyo Koonfurta Suudaan ayaa maanta deeq lacageed oo ay kaga qeyb-qaadanayaan dhismaha Safaradda Soomaaliya ee dalka Uganda waxay ku wareejiyeen Safaradda Soomaliya ee dalka Uganda.

Deeqdaas lacageed ee maanta lagu wareejiyey safaaradda Uganda waxay gaareysay 10,000 oo dollarka Maraykanka ah.

Xaflad kooban oo ay deeqda lacageed ku wareejinayeen ganacsatada ayaa ka dhacday magalada Kampala, waxaana ka qeyb galay Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Amb. Cali Maxamed Maxamuud iyo la-taliyaha 2-aad ee Safaradda Cali Khadar.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Uganda Amb. Cali Cagabaruur oo hadal kooban ka jeediyay xafladda ayaa uga mahadceliyay ganacsatada deeqda lacageed oo soo gaarsiiyen Safaradda, taas oo wax badan ka tari doonta dib u dhiska Safaradda oo maraya meel muhiim ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...