Tayada Shaqaalaha caafimaadka Galmudug oo kor loo qaadayo “SAWIRRO”

Date:

Wasaradaha Caafimaadka Galmudug iyo Dowladda Federaalka oo kaashanaya hey’adda Caafimaadka aduunka ee WHO ayaa magaalada Dhuusamareeb tababar ku saabsan maareynta iyo daaweynta xaaladaha nafaqo darada ee ilmaha ka yar shanta sano ugu soo gaba-gabeeyay tiro ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya xarumaha nafaqada ee Galmudug, kuwaas oo mudo afar maalmood ah qaadanayay tababarkan.

Maxamed cali xiireey, Madaxa Nafaqada ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa sharaxey ujeedka tababarka loo qabtay shaqaalahan Caafimaad.

Madaxa xogta iyo khiimeynta, qaybta nafaqada ee Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Aadan Maxamed Nuur oo dhankii ka hadley faa’iidada tababarkan u yeelanayo shaqalaha Caafimaad ayaa sheegay in markii labaad Galmudug lagu qabtay si loo dhaqan galiyo hab-raacyada u dagsan Wasaaradda Caafimaadka.

Ugu dambeyn, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed oo xiray tababarka ayaa shaqaalaha caafimaadka Galmudug kula dardaarmay in ay si hufan ugu shaqeeyaan Bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...