Ardayda dugsigga daarul-xanaan Qardho oo Cumputure cusub loogu deeqay

Date:

Hayโ€™adda Afrika ee horumarinta oo ah mid ay ku midaysan-yihiin dhalinyaro soomaaliyeed oo samafalayaal ah, mudana ka shaqayneysay arrimaha bulshada iyo garab istaaga dadka danyarta ah, ayaa deeq dhan 10 Cupmuture waxay soo gaarsiiyay dugsiga daarul-xanaan ee Qardho.

agabkaan ayaa ardayda ka caawin-doona sidii ay ugu fududaan lahayd waxbarashadu, si gaar ah barashada maadada cumputue-ka oo ay dhibaato xoog leh ku qabeen, ardayda ayaana isla saaka si joogta xiisadahooda loogu bilaabay.

munaasabad kooban oo agabkaan lagu wareejinayay ayaa waxaa ka qayb-gallay maamulka degmada Qardho, kan gobolka karkaar, bahda waxbaarshada, mamaulka iskuulka iyo madaxda hayโ€™ada Horumarinta ee Afrik.

ugu horayn sheekh ciise Maxamed Cali ayaa madasha ka hadlay, waxa uu sharaxay in agabkaan lagu soo iibiyay isku-tashi iyo deeq ay iska aruuriyeen xubnaha ka tirsan hayโ€™ada sidoo kale waxa uu ka waramay shaqooyinka kale ee hayโ€™adu ay qabatay.

Madaxa dugsigga daarul-xanaan oo ah dugsi ay wax ku bartaan caruurta agoonta ah, sheekh Cabdiqaadir Yaasiin oo mudo dheer gacanta kusoo hayay, soo saaray jiilal badan ayaa u mahad-naqay hayโ€™ada iyo dhalinyarada ku midaysan waxa uuna sheegay in ay xilli ay u baahnaayeen ay u keeneen.

Guddoomiyaha degmada Qardho Maxamed Buraale Seed, Guddoomiyaha waxbarashada Gobolka Karkaar Bashiir Axmed Gaaleri iyo Guddoomiyaha Gobolka karkaar ayaa dhankooda hadlay, waxay una mahad-naqeen dhamaan cidii kusoo tabarucday agabkaan, si la mid ah qurba-joogta iyo ganacsatada ayay ugu baaqeen in la xoojiyo garab istaaga dugsigaaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...