Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyay Geerida Allaha u naxriistee Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil

Date:

‎إنا لله وإنا إليه راجعون

Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddooomiye ku-xigeenka koowaad Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey  ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

“INNAA Lillaah WA INNAA ILLEEHI Raajicuun, rabbi ha u naxriisto Xildhibaaan Marxuum Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsanaa Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxa uu ahaa oday Soomaaliyeed muddadii uu ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa uu ahaa nabadoon kaalin weyn kasoo qaatay dib u heshiisiinta iyo Dowlad dhisida Dalka, Wuxuu ahaa shaqsi ay qaranimada wax walba kala weyntahay inta Badan wakhtigiisana ku bixiyay dhisida dowladnimada Soomaaliya rabi naxriistii jano haka waraabiyo dhamaan guddoonka iyo xildhibaanada Golaha Shacabka Oo aan afkooda ku hadlaayo,qoyskiisa,eheladiisa iyo Sidoo kale guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed samir iyo iimaan Illaahey haka siiyo” ayuu yiri Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa waxa uu ka tirsanaa sedaxdii Baarlamaan ugu dambeysay ee Dalka isagoo xubin ka ahaa Guddiga garsoorka ee Golaha Shacabka,waxaana uu maanta ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...