Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Maxamed Yuusuf Xaaji.

Date:

Garoowe-(SONNA)-Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Senator,Maxamed Yuusuf Xaaji, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga dalka Kenya.

Allaha u naxariistee, Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa ahaa Odey Soomaaliyeed oo waxbadan ugu fadhiyay Soomaalida ku nool Kenya iyo guud ahaan bariga Afrika, isagoo aad ugala soo shaqeeyay arrimahooda gaarka ah iyo marxaladdaha soo wajaha.

Senator Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa ka mid ahaa Siyaasiyiinta Soomaalida ee muddada dheer kusoo dhex jiray Maamulka Dowladda iyo Siyaasadda Kenya, isagoo kasoo billaabay heer Degmo, Gobol, Xildhibaan Baarlamaan illaa uu gaaray 2008-2013 in uu noqday Wasiirka Gaashaandhigga.

Marxuum, Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa hadda ahaa Senator laga soo doorto Ismaamulka Gaarisa, wuxuuna xalay ku geeriyooday Magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida la wadaagayaa Soomaalida ku nool dalka Kenya, Dowladda iyo Shacabka, ehelkiisii iyo asxaabtiisii , wuxuuna Marxuumka Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul fardawsana ka waraabiyo Aamiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo saxiixay buugga tacsida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Drs Nasra oo faahfaahisay hal-ku-dhigga  maalinta Caalamiga ah caafimaadka Afka Iyo Ilkaha

Drs Nasra Cabdisamad ayaa si qoto dheer u sharaxday...