Wasiirka Amniga XFS oo carruurta Agoonta ciidanka Boliiska Soomaaliyeed u fulinaya ballan-qaad uu u sameeyay.

Date:

Wasiirka Amniga gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS),mudane Xasan Xundubey Jimcaale oo ka qeyb galay munaasabadda 77 guuradii kasoo wareegtay aas aaska ciidanka boliiska Soomaaliyeed, ayaa sheegay in guulo taariikhi ah ay ka gaareen ilaalinta nabadgelyada ciidamada qalabka sida gaar ahaan kuwa boliiska.

Wasiirka ayaa saraakiisha u dalacday  darajooyinka sarsare ku ammaanay dadaalka ay muujiyeen iyo sidii loo sugay amniga garoonka Inj-Yariisow (Ex Koonis) oo marti geliyay ciyaarihii ugu xiisaha badnaa ee lagu qabto bariga Afrika.

Wasiirka Amniga gudaha oo ku dheeraaday ka hadalka muhiimada ay leedahay ilaalinta amniga shacabka ayaa xusay in ciidanku ay hureen waxa ugu qiimaha badan adduunka oo ah nafta isagoo tilmaamay iney yihiin geesiyaal aan la iloobeyn.

“Shaqo la qabto tan ugu karaama badan oo adduun iyo aakhiro ugu wanaagsan waa ummadaada amnigeeda in la sugo”ayuu yiri wasiirka Amniga.

Wasiirka Amniga gudaha mudane Xasan Xundubey ayaa boggaadiyay agoonta boliiska oo wacdaro ka dhigay munaasabadda isagoo sheegay inuu garab taaganyahay qorshayaal cusub oo lagu horumariyana uu la imaa doono.

“Waxaan ku faraxsanahay agoontu meeshi ugu horreysay oon booqdo iney tahay, ballan qaad baan ka galay inaan fuliyo Ayaan rabaa insha allah,waxaa kaloo qorshaha iigu jira inaan wax cusub ku kordhino ubaxyadaas soo koraya si dadki u dhintay dalkaan dadki ay ka tageen aysan u dayacmin” ayuu yiri Xundubey.

Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in argagixisada Alshabaab aysan dooneyn wax horumar ah, isagoo tusaale u soo qaatay in qori lagu waardiyeynayo dhisida waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye taas oo aan siyaasad ku lug laheyn, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in lala shaqeeyo ciidamada Qalabka sida si dalka looga sifeeyo argagixisada.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa la aas aasay sannadkii 1943-kii waana ciidanka ugu da’da weyn ciidamada qalabka sida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...