Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo kormeeray xarunta hayโ€™adda bisha cas+(SAWIRRO).

Date:

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta caafimadka bisha-cas xafiiskeeda Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareb.

Kormeerka Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug waxaa ku wehliyay Wasiirka Cadaaladda Galmudug, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimadka Galmudug,ย  Maamulka caasimadda iyo agaasimaha guud ee Madaxtooyada Galmudug.

Mudane Cali Daahir Ciid ayaa indha-indheyn iyo kormeerka kadib saraakisha caafimadka bisha-cas ka dhageystay shaqada ay bulshada gobalka u hayaan iyo baahidooda, waxaana uu Madaxweyne ku-xigeenkuย  ballan-qaaday in bisha-cas lagu wareejin doono xarunta ay hadda ku shaqeyso oo ay hore u lahayd maxkamadda Racfaanka si loogu adeego bulshada.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in maxkamadda racfaanku la siinayo dhulkale oo ay dowladdu ku wareejin doonto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale