Dowladda Soomaaliya oo heshiis Deyn_Cafin ah la saxiixatay Dalalka England, Denmark iyo Netherlands.

Date:

Wasiirka maaliyadda dowladda Soomaaliya Dr. Cabdirahman Ducaale Beyle ayaa xafiiskiisa ku saxiixay heshiis yada Deyn_Cafinta oo hore ay u soo saxiixeen masuuliyiinta dalalka ku bahoobay Naadiga Paris  “Paris Club”.

Saxiixaan ayaa daba socda go’aankii ka soo baxay shirkii dhacay 31-kii Maarso ee sanadkaan 2020 kuwaasi oo Soomaaliya looga saamaxay lacag dhan 1.4 Bilyan,oo lacagta doolarka mareynkanka.

Sidoo kale heshiiska shirkaasi qodob ka mid ah uu dhigayay in Soomaaliya ay dal waliba gooni ula saxiixato inta uu ka saamaxay.

Isu geynta lacagta ay saamaxeen Sadexdaan dowladood waa England, Denmark iyo Netherlands. waxaana ay gaareysaaa lacag dhan $69.9 million.oo doolarka mareykanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...