Waddada Ceel Daahir-Ceerigaabo oo laami la Saarayo+(SAWIRRO).

Date:

Dhismaha Mashruuca isku tashi ee waddada Ceel Daahir-Ceerigaabo oo socotay sanooyin kala duwan ayaa maraysa wajigeedii gabagabada oo ah laaami saarkii waddadaani, waxaana xariga ka jaray Laami saarista waddadaani muhiim ka ah Madaxwayne ku xigeenka Puntland Axmed Cismaan Cilmi Karaash oo maalmihii danbe ku sugnaa Gobalka Bari oo ay weheliyaan Guddiga gaarka ah ee Puntland u xilsaartay dhismaha iyo Dhammaystirka waddada Ceel Daahir Ceerigaabo.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland ayaa bogaadiyey shaqada ay qabteen Wasaaradda Howlaha Guud, Guddigii ka shaqeynayay dhismaha waddada iyo guud ahaan dadweynaha reer Puntland oo ka wada qeyb qaatay, wuxuuna muujiyay in Puntland ay muhiimad gaar ah u leedahay dhammastirka waddadaani.

Laami saarka waddada Ceeldaahir-Ceergaabo ayaa bilow u ah in laga guul gaaro mashruucan, oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo laga hirgeliyo deegaannada Puntland.

Madaxwayne ku-xigeenka Puntland ayaa xusay in Puntland ay ka Go’antahay dhammays tirka Dhismaha waddadaani sida ugu dhakhsiinyaha badan, waana waddo isku xiri doonta degmooyinka kala duwan ee iyo Goballada Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...