Ra’iisul Wasaare Rooble “Waa tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday doorashada Guddoomiyaha cusub ee Gaalkacyo, Xukuumadeyduna way dhiirrigalineysaa”.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka qeyb galay caleema saarka  Guddoomiyaha  cusub ee degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan   ayaa tallaabo horey loo qaaday ku tilmaamay in bulshada loo dhaweeyo maamulka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey Duqa cusub ee degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan  in Alle u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay. Isagoo tilmaamay in Xukuumaddu ay dhiirrigalineyso  degmooyinka dalka oo dhan in ay doortaan maamulkooda.

Eng. Rooble ayaa ku dhiirigeliyey Odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Mudug in ay sii dardargeliyaan dadaalladooda ku addan nabadda iyo dib-u-heshiisiinta beelaha walaalaha ah, una   midoobaan la dagaallanka argagixisada iyo in ay isu kaashadaan sidii loo cirib tiri lahaa.

“Waa tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday doorashada guddoomiyaha cusub ee Gaalkacyo. Xukuumadeyduna way dhiirrigalineysaa  wayna taageereysaa iyo degmooyinka dalka oo dhami doortaan maamulkooda, oo ay lana xisaabtamaan. Tani  waxay tusaale u tahay daadajinta maamulka iyo in dadku iyagu doortaan cidda ay doonayaan”.

Golaha deegaanka degmada Gaalkacyo oo dhowaan la dhisay ayaa markii ugu horreysay doortay Duqa magaalada oo ku yimid rabitaanka bulshada, tanoo qeyb ka ah barnaamijka maamul daadajinta ee shacabka loogu dhaweynayo dowladnimada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo socdaal shaqo ku marayay deegaannada Puntland iyo Galmudug muddo 11 casho ah ayaa soo gabagabeeyey, waxuna uga mahadceliyey soo dhaweyntii diirranayd ee uu kala kulmay deegaannadii uu socdaalka ku marayay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar 

Muqdisho, Arbaco, 18 Febraayo 2026 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Qalab Casri ah Kala Wareegay Safiirka Soomaaliya ee Turkiga 

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General...

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika – Waxaa ka dhacay kulan...