Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta la filayo in ay u codeeyaan kana doodaan Qodobo Muhiim ah.

Date:

Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa Maanta oo Isniin ah Kulankooda caadiga ah uga furmo Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada muqdisho.

Guddoonka Golaha Baarlamaanka ayaa Xildhibaannada u diray Fariimo lagu ogeeysiinayo in uu jiro kulanka Golaha, waxaana laga dalbaday inay soo xaadiraan, waqtigana ilaaliyaan.

Ajandayaasha Kulanka Maanta ayaa la filayaa in uu noqdo u codaynta Xubnaha Guddiga Adeega garsoorka, iyo u codaynta xubnaha Guddiga la Dagaalanka Musuqmaasuqa iyo sidoo kale Akhrinta 3aad oo la marsiin doono Hindise Sharciyeedka Nootaayooyinka Soomaaliya.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan waxaa ay ku guda jiraan kal-fadhigii ugu dambeeyay, waxaana horyaalla meel marinta iyo ka doodista ajandayaal dhowr ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...