Ra’iisal wasaaraha Ethiopia oo sheegay inay soo celinayaan nidaamka kala damnbaynta ee gobolka Tigreega,

Date:

Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ka hadlay talaabada oo dowladiisu ka wado ismaamulka Tigreega ee waqooyiga Ethiopia.

Abiy ayaa qoraal uu dhigay bartiisa Twiterka wuxuu ku sheegay in howlgalka ka socda waqootiga Ethiopia oo ay ciidanku wadaan uu leeyahay u jeeddooyin cad oo xadidan

Ujeeddooyinka ayuu ku sheegay in la soo celiyo ku dhaqanka sharciga iyo nidaamka Dastuurka iyo in dadka Itoobiyaanka la ilaaliyo xuquuqda ay u leeyihiin ku noolaanshiyaha nabad meel kasta oo dalka ay ka joogaan.

Ra’isul Wasaaraha Ethioia Abiy Ahmed wuxuu kaloo tilmaamay in dowladu si dulqaad leh ay dhowr bilood isugu dayday in nabad ah lagu xaliyo farqiga kala dhaxeeyay maamulk TPLF.

Dadaaladan ayuu tilmaamay in ay fashilmeen, taana loo aaneeynayo dhaqanka diidmada iyo goobad falka ku saleysan ee TPLF, iyagoo talaabadii ugu danbeysay ee baas-abuurka ay weerar ku qaadeen taliska qeybta waqooyi ee ciidamada kuwaas oo degan gobalka Tigreega

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...