Maamulka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa maalinimadii shalay agab gargaar ah gaarsiiyay dadka ku barakacay daadadkii dhowaan ku dhuftay degmada Beladweyne ee dowlad goboleedka Hirshabelle.
Mucaawinadaan oo ka kooban bustayaal, weelal,maro kaneecooyin iyo kuwo kale,waxaa ku deeqay Maamulka Amisom ee ku sugan Gobolka Hiiraan,gaar ahaan ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ee ka hoos shaqeeya AMISOM.
Qalabkaan mucaawinada ah ayaa qeyb ka ah dadaal la doonayo in lagu yareeyo dhibaatada soo gaartay barakacayaasha oo khasbanaaday inay guryahooda ugu cararaan daadadka ay sababeen roobab mahiigaan ah oo ku dhuftay Gobolkaasi.