Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika oo duqeyn kaga jawaabay weerarkii Balli-doogle

Date:

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa war ka soo saaray weerarkii shalay Al-Shabaab ku qaadeen Garoonka iyo Saldhigga Balli-doogle, halkaasoo ay xarun u tahay Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB iyo Ciidanka Mareykanka.

Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay jawaab culus ka bixiyeen weerarkii kaga yimid Al-Shabaab.

Maj. Gen. William Gayler oo ah Agaasimaha Howlgalada ee Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in weerar jawaab ah iyo mid is difaacid ah ku qaadeen Al-Shabaab ayna ku dileen 10 dagaalame, kuna burburiyeen hal gaari.

Waxaa uu sheegay labo duqeyn oo cirka ah ay fulliyeen, si ay uga jawaabaan weerarkii shalay lagu soo qaaday Saldhigga Balli-doogle.

Muuqaal kooban oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujiyay gaari kuwa xamuulka ah oo la rumeysan yahay inay waxyaabaha qarxa saarnaayeen oo gantaal cirka kaga yimid ku dhacay, isla markaana qarxay.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in weerarkan Al-Shabaab soo qaaday ayaa lagu sheegay inay caddeyn u tahay halista kooxdan ee danaha Mareykanka, saaxibadiisa iyo gobolka, isla markaana aysan marna hakin doonin dagaalka lagula jiro argagixisada.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa laga soo xigtay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay toogteen dhammaan Xubnihii soo weeraray halkaasina ay ku khaarajiyeen qaar badan oo katirsan mintidiinta Argagaxisada ee Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...

NISA oo 23 dhagar-qabe ku dishay howlgallo Ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

    WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, February 24, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Shir lagu xoojinayo Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka furmaya Ankara

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ka furmaya shir...