Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kula kulmay dhiggiisa Japan.

Date:

 Shalay oo Khamiis ahayd (29 August), Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa intii lagu guda-jiray kaltanka todobaad ee Shir Madaxeedka TICAD ayuu shir doceed la yeeshay dhiggiisa Japan Mudane Tarō Kōno, isaga oo kala hadlay habkii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka, waxa uuna bogaadiyay mowqifka Japan ee taageeridda Soomaaliya iyo tubteeda horrumarineed.

Wasiir Cawad ayaa xubin ka ah wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee ka qeybgalaya Shir Madaxeedka todobaad ee TICAD ee ka furmay Magaalada Yokohama, Japan, oo soconaya  inta u dhexeysa 28-30 August.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Japan ayaa waxa ay garwaaqsadeen muhiimadda weyn ee ay leedahay in la furo iskaashi sal ballaaran oo dhinacyo badan leh oo nacfi wadaag u ah labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah.

TICAD waa madal dhinacyo kala duwan oo hoggaamiyeyaasha iyo madaxda dalalku leeyihiin, kana qeybgalaan wakiillada Ururrada caalamiga iyo kuwa gobolka,  loogana hadlo horrumarinta Afrika, kulankiisii ugu horreeyay waxa uu ku qabsoomay Japan sanadkii 1993.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...