Wasiirka Warfaafinta XFS Soomaaliya oo Maanta Xafiiskiisa ku Qaabilay Qoyskii AUN Duqii hore ee Muqdisho Eng-Yariisow

Date:

Allaha Unaxriiste ehlada Guddoomiyhii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow (Eng. yariisoow ) ayaa maanta Boqasho ku yimid Xarunta wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukumadda Fedraalka ah ee soomaaliya.

Waxaa soo dhaweeyay Maamulka Wasaaradda Warfaafinta,waxayna sidoo kale kormeer ku tageen qeybaha Warbaahinta Qaranka,sida Tvga Radiyah iyo keedka hadalka radio Muuqdisho.

Mas’uuliyiinta Wasaardda oo uu ugu horeeyo Wasiirka,agaasimaha guud,agaasimayaasha waaxyaha ayaa ka qeybgalay kulanka soo dhaweynta ah.

Maxamed Cabdiraxmaan Cumar Cismaan yariisoow ayaa oga mahadceliyaya masuuliyinta wasaaradda warfaafinta sida ay ogu soo dhaweyeen xaruunta wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa uga tacsiyay qoysa Eng yariisoow geerida aabohooda, isagoo sheegay in waxyaabo muuqda uu dalka u qabatay marxuumka intii uu noolaa.

Allaha Unaxriiste Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow Eng. yariisoow ayaa labo mar wax uu wasiir ka soo noqday Wasaaraddan Warfaafinta Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...