Natiijada imtixaankii mideysnaa ee dowladda oo la shaaciyey

Date:

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa caawa shaacisay natiijada imtixaanaadkii mideysnaa ee dowladda.

wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo toos uga hadlayey Telefishinka Qaranka ayaa akhriyey war-saxaafadeed ay ku qoran yihiin tirada gudubtay imtixaanka, tirada dhacday iyo 10-ka qof ee kaalinta koowaad ka gashay sannadkaan.

Cabdullaahi Googax Barre wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee XFS ayaa sheegay in ardayda 10-ka ah ee kaalinta koowaad u gudubtay ay dowladda Soomaaliya siin doonto deeq waxbarasho oo lacag la’aan ah dalka iyo dibedda meesha ay doonaan.

Sidoo kale wasaaradda Waxbarashada ayaa sameysay Website ay ardaydu si fudu uga heli  karaan imtixaanka gaar ahaan arday walba natiijadiisa, isagoo gelin doona website-ka www.soneb.gov.so.

Website-ka ayaad gelin doontaa RL-ka aad leedahay kaddibna waxa aad heli doontaa natiijadaada oo dhammeystiran.

Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka wasaaradda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed,...

Mas’uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...