Ra’iisul Wasaare Khayre oo Daah-furay Dhismaha Waddooyinka Jowhar Iyo Afgooye

Date:

Muqdisho(SNTV):--Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)، mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay mashruuca dhismaha waddooyinka isku xira Muqdisho iyo magaalooyinka Jowhar iyo Afgooye ee maamul gobaleedyada Hir-shabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan madaxwaynayaasha Hir-shabeelle iyo koonfur Galbeed ayaa sheegay in hoggaanka dalku uu ku faraxsanyahay billaabashada mashuurcaan oo muhiim u ah qorshaha horumarinta dalka, isaga oo u mahadceliyay dawladda Qatar oo bixinaysa qarashka lagu dhisayo waddooyinka iyo dawladda Turkiga oo ku guulaysatay qandaraaska dhismaha.

Ra’iisul Wasaaraha oo raja wayn ka muujiyay in waddooyinkaan ay lamid noqdaan waddooyinka casriga ah ee caalamka, ayaa sheegay in dhismaha waddooyinkaani uu yahay mashruucii ugu waynaa ee dalka laga fuliyo intii xukuummaddu jirtay, uuna qayb muhiim ah ka yahay soo noolaynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

“Maanta waa maalin iftiin cusub u ah ganacsatada iyo beeralayda labada Shabeelle oo ay u dhib-yaraan doonto mustaqbalka in ay ganacsadaan. Maanta waa maalin inftiin u muujinaya dhammaan ummadda Soomaaliyeed, sababta oo ah shaqadii ay soo billaawday xukuumadda laba sano ka hor ayaa mira dhashay, laba sano kadibna waxaa la arki noonaa mashruucyadaan oo dhammaaday”, ayuu yiri Ra’iisl Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoggaanka maamul gobaleedyada Hir-shabeelle iyo Koonfur Galbeed, ciidanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay la shaqeeyaan shirkadaha dhisaya waddooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...