Wasiirka arrimaha gudaha oo Caabud-waaq ka furay kulan nabadeed lagu dhammaynayo Colaaddii Kaxandhaale

Date:

Caabuud-waaq (SNTV):-Magaalada Caabuud-waaq ee gobaka Gal-guduud waxaa maaanta gaaray wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdiga Nabadeed ee uu hoggaaminayo oo ay wehliyaan odayaasha Galinsoor iyo Cadaado, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay waxgaradka Caabuud-waaq oo uga hor tegay magaalada bannaankeeda.

Soo dhawaaynta wafdiga kadib, odayaasha ka kala socda Caaabuud-waaq, Galinsoor, Cadaado iyo wafdiga Nabadeed ee wasiir Sabriye ayaa tegay duleedka Caabuud-waaq oo la dhigay gogosha nabadda ee lagu dhammaynayo colaaddii Kaxandhaale.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya oo furay kulanka ayaa odayaasha dhaqanka ee gogosha jooga waxa uu ka codsaday in ay la yimaadaan aragti fog, tanasul iyo xushmad dheeraad ah si loo dhayo boogihii colaadda dibna looga heshiiyo wixii dhacay, looguna diyaar garoobo in laga fogaado dagaallada soo noqnoqda ee dadka iyo deegaanka dhibaatada badan ku haya.

Odayaasha dhinacyada dirirtu ka dhexeysay oo soo dhaweeyay gogosha nabadda ayaa rajeeyay in dadaallada nabadda ee ay hormuudka ka tahay dawladda Federaalka Soomaaliya ee wakiilka ay uga yihiin wafdiga wasiir Sabriye hoggaaminayo ay mira dhali doonaan, lagana gudbi doono colaadaha soo laalaabta ee mar waliba ay ku daataan dhiigga dadka walaala ah.

Wasiika arrimaha gudaha XFS oo shalay ka hadlay marti qaad ay u sameeyeen odayaasha Cadaado ayaa ballan qaaday in wafdiga uu hoggaaminayo ay ku laalaaban doonaan deeganada Gal-mudug inta laga dhammaynayo colaadaha ka jira deegaanka ee ay isku dilayaan beelaha walaalaha ah.

Wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka arimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta XFS, Eng. Sabriye waxaa qayb ka ah Wasiiru Dowlaha Hawlaha Guud iyo Guryeynta, Ahmed Abdi Kariye (Qoor-Qoor), wasiir ku-xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha, xildhibaan Abdikarin Khaliif iyo taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...