Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Loo Sameeyay Kooxda Kubbadda Cagta Som United

Date:

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xalay ka qayb galay casho sharaf ay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha dalku u sameeyay kooxda kubbadda cagta Som United ee dalka Sweden oo Muqdisho u joogta ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kooxda Som United iyo maamulkeeda uga mahaceliyay dadaalka ay uga qayb qaadanayaan soo noolaynta ciyaaraha dalka iyo is-dhex galka Bulsho, waxa uuna sheegay in Qurbajoogta ay mas’uuliyad wayn ka saarantahay ka qayb qaadashada dib u soo noolaynta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed, isaga oo wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ku ammaanay dardar-gelinta horumarinta ciyaaraha iyo dhiirri gelinta dhallinyada.

Wasiirka wasaaradda ciyaaraha iyo dhallinyarada xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa munaasabadda ka sheegtay in casha sharafta ay u sameeyeen dhiirri gelinta kooxda Som United ee dalka Sweden oo dalka u timid horumarinta ciyaaraha dalka iyo is-dhex galka bulshada.

Bashiir Cilmi Maxamed, madaxa wafdiga ka socda Som United oo ka mahadceliyay casho sharafta ayaa ballan qaaday in ay badi doonnan socdaallada ay ku imaanayaan dalka si ay u dhiiri geliyaan horumarka ciyaaraha dalka, is-dhexgalka bulshada iyo barnamijyada horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Munaasabadda casho sharafta ah oo lagu qabtay hoteelka Maka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha xariirka kubadda cagta Soomaaliya, Cabdiqani Siciid Carab, Bashiir Cilmi Maxamed oo ah madaxa wafdiga kooxda kubbadda cagta Som United, dhammaan ciyaartooyda kooxda ee Muqdisho ku sugan iyo marti sharaf kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ku baaqday in tallaabo degdeg ah loo qaado joojinta gaajada la xiriirta colaadaha

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Mudane, Abuukar Daahir Cismaan...

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ah kusoo xiray Muqdisho

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan...