Duqeeynta Diyaaradaha Dagaalka Israaโ€™iil oo ay ku Geeriyoodeen Saddex Qof Falastiinyiin ah

Date:

Dayuuradaha dagaalka ee Israaโ€™iilย ayaa duqeeymo xooggan ka geeystay dhulka Falastiinyiinta, iyagoo bartilmaameedsaday xarunta Tvga e Ururka Xamaas oo ku yaal Marinka gaza, waxaa kale oo ku geeriyooday hal ruux oo Israaโ€™iilย  ah gantaalladii ย ay ka soo tureen dagaalyahanada ย Xamaasย  dhanka Israaโ€™iil.

Kooxda maamusha marinka Gaza ee Xamaas ayaa sheegtayย  in mid ka mid ah Gantaalada ay ku ridayeen Israaโ€™iil dhinacooda uu waxyeelo weeyn gaarsiiyay xarunta dhismaha Tvga Xamaas

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda Artileeriga ee Israaโ€™iilย  ay ka geeysteen ย duqeeymo meelaha ugu saxmadda badan ee dhulka Falastiinyiinta ย ee marinka gaza.

Duqeeymaha Israail ayaa daba socota 300 boqolย  oo gantaallo ah oo Xamaas ku tureen dhulka ay Israaโ€™iilyiinta xoogga ku haaysat Falastiinyiinta, mid ka mid ah gantaalada Xamaas ay ku tureen dhinaca Israaโ€™iilyiinta ayaa waxaa uu ku dhacay Basย  dhanka kalana gantaal ayaa ku dhacay dhismo weeyn oo Israaโ€™iil ay leedahay.

Ciidanka Israil ayaa sheegay in Hal ruux oo askari israaiili ah uu si xun ugu dhaawacmay bur bur dhisme ย oo ku dhacay mid ka mid ah gantaalada ay xamaas ku soo tuuuren dhanka Israil

Xoghayaha Guud ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeeysa Mr Antonio Getares ayaa ku guubaabiyay labada dhinac ee dagaalamaya ย ayaa sii dagdag ah ย ay xal ugaย  garan dagaalka Masuulkaย  u hadlay Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeeysa Farxaan Xaq, xaq waxaa kale uu intaa ku daray in uu ugu baaqay in ay soo celiyaan xasiloonida is naa xakameeyan.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay ka dib markii falastiiiniyiin ku sugan deegaanka Khaan Yoonis ay ku dhaqaaqeen in ay ka dabad baxaan dilka loogu geeystay todobadii Qof ee falastiinyiinta ahaa oo maallinmadii Isniinta la shegay in ay geeriyoodeen oo Israaiiliyita ay toogasho ku dileen ka dib martkii ciidamada Israil oo wata gaadiidka dagaalka ay ka soo gudbeen xadka u dhaxeeya labada dhinac ee Israaโ€™iil iyo falastiin, Nour Baraka oo ahaa Hoggaamiye sare ee Ururka Xamaas

Dhinaca kale ee Israaโ€™iil war ka soo baxay ayaa sheegay in Korneel Israaโ€™iil ah uu ku geeriyooday askari kalena ย uu ku dhaawacmay weerarkaasi dhexmaray labada dhinac ee Israaโ€™iil iyo falastiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale