Saraakiil reer Gaza ah oo sheegay in Israeli ay dileen 7-ruux

Date:

Ciidamada Israeli ayaa Marinka Gaza ku dilay 7-Falastiiniyiin ah ka dib kolkii howlgal qarsoodi ah iyo duqeyn xagga cirka ah ay la beegsadeen saraakiil ka mid ah ururka Xamaas.

Sarkaal ka tirsan Xamaas Ghazi Hamad ayaa sheegay in Unug ka socda ciidamo Israeli oo  wata Gaari kuwa shicibka ah ,isla markaana ay dusha kala socdaan diyaaradaha wax duqeeya ay gudaha u soo galeen koonfurta magaalada Khan Younis,halkaana ay ku dileen Nour Baraka,kaas  oo ah taliyihii Guutada al-Qassam  garabka hubeysan ee Ururka Xamaas iyo sarkaal kale.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in rasaas dhexmartay labada dhinac kadib diyaaradaha dagaalka Israeli ay 40-gantaal ku dhufteen halkaasi,ayna ku dileen 4-shacab ah

Askari Yuhuud ah ayaa sidoo kale lagu dilay rasaastii ay isweydaarsadeen ciidamada Israeli iyo kuwa Xamaas.

Afhayeenka ururka Xamaas oo lagu magacaabo Fawzi Barhoum,ayaa cambaareeeyay weeraradaasi wuxuuna ku tilmaamay kuwo fulaynimo ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...