Kulan Sannadeedka Golaha Wasiirrada Ee Dar-Dar Gelinta Qorshayaasha Qaranka Oo La Soo Gebagebeeyay

Date:

Muqdisho (SNTV)ย Golaha wasiirrada oo mudda laba maalin ah uu Muqdisho uga socday kulan sannadeedka dar-dar gelinta qorshayaasha qaranka ayaa isku raacay in la xoojiyo wada shaqaynta ka dhaxaysa hayโ€™adaha dawladda, dar-rar gelinta dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta amniga caasimadda, in dhaqankii qaldanaa lagu bedelo dhaqan ku salaysan run isu-sheegid, in si hufan loo ilaaliyo amaanada ummadda iyo in la xoojiyo isla xisaabtanka.

Golaha ayaa sidoo kale isku raacay in dib loo eego hal-beegyada siyaasadda loo dhanyahay oo xoogga la saaro dhamaystirka dastuurka, meel marinta sharciyada muhiimka u ah hannaanka awoodda loogu celinayo gacanta ummadda Soomaaliyeed si ay doortaan hoggaanka ay xaqa u leeyihiin.

Raโ€™iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali, oo khudbad kooban ka jeediyay xiritaankii kulanka ayaa sheegay in masโ€™uuliyiinta fursadda u helay in lagu aamino masiirka ummadda Soomaaliyeed, laga doonayo in ay uga soo baxaan masโ€™uuliyadda sidii loogu aaminay oo ay ka shaqeeyaan danta ummadda Soomaaliyeed.

Raโ€™iisul Wasaare Khayre ayaa ku boorriyay wasiirrada in ay dhaqan geliyaan qodobadii kasoo baxay shir sannadeedka si loo gaaro hiigsaga ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale