Soomaaliya oo goob joog u noqotay heshiiska Suudaanta Koonfureed

Date:

Khartuum(SNTV): โ€“Raโ€™iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan uga qayb galay munaasabadda lagu saxiixay heshiiska dawladda midnimada qaran ee lagu soo af-jaray colaaddii waqtiga dheer u dhexeysay dhinacyada isku hayay siyaasadda Suudaanta Koonfureed.

Raโ€™iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda kale ee ka socota waddamada IGAD ayaa goob joog ka ahaa saxiixa heshiiska taariikhiga ah ee dhinacyada isku hayay siyaasadda dalka Suudaanta Koonfureed kuwaas oo dhex-dhexaadin waqti dheer qaadatay kadib isku raacay in ay dhistaan dawlad midnimo qaran oo dhinacyada dhan ay ku qanacsanyihiin.

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ku ammaanay dhinacyada heshiiska saxiixay tanaasulka iyo biseylka siyaasadeed oo ay muujiyeen si ay u badbaadiyaan mawaadiniinta dalkooda, ugana qayb qaataan horumaka gobalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika, waxa uuna u xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka goโ€™antahay nabadda, amniga iyo xasilooni siyaasadeed ee Suudaanta Koonfureed.

โ€œXaaladda murugeysan ee dalkiinna daโ€™da yar ma qeexayso mustaqbalkiinna, waxa aan idiin xaqiininayaa in laga guuleysanayo dhibaatada jirta. Waxyaabaha wanaagsan ee labaddenna dal ay wadaagaan ayaa ah in aan leennahay khayraad dabiici ah oo dahan iyo bulsho ku wanaagsan hal abuurka ganacsiโ€, ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Khayre.

โ€œSida ku cad war-bixintii dawladaha daciifka ah ee soo baxday 2017, Suudaanta Koonfureed iyo Soomaaliya ayaa ahaa laba dawladood ee ugu daciifsan dunida, casharro adag ayaan ka barannay iyo in ay muhiim tahay in aan u tanaasulno dadkeenna, tanaasulku ma aha astaan muujineya in aan liidanno ee waxa ay muujineyssa awoodenna iyo fahamka mustaqbalkaโ€ ayuu Raโ€™iisul wasaaruhu raaciyay hadalkiisa.

โ€œIn aan garannay xalka mushaakilaadkeenna kaliya ma saameyneyso horumarkeenna ee waxa ay saameyn ku leedahay deriskeenna iyo gobalka oo dhan, waana arintaas sababta aan idinkugu dhiirri gelinayno in aadan gadaal fiirina ee aad sawirataan mustaqbalka adinka oo u danaynaya dadkiinna. Sida dib u soo kabashada Soomaaliya oo kale, badbaadinta Suudaanta Koonfureed waxa ay farxad gelineysaa dadaalka qaaradda Afrika. Waxa aan idiin xaqiijinayaa in Soomaaliya ay ka goโ€™antahay in Suudaanta Koonfureed ay hesho nabad, ammaan iyo xasilooni waartaโ€, ayuu Raโ€™iisul Wasaare Khayre ku sheegay khudbadda uu ka jeediyay munaasabadda lagu saxiixayay heshiiska xalka looga gaaray colaadii Suudaanta Koonfureed.

Heshiiska oo dhaqan-gelintiisa ay dusha kala soconeyso IGAD ayaa ogolaanaya in Riek Machar oo ahaa hogaamiyaha mucaaradka uu noqdo madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee dawladda midnimada qaran.

Mudda sedax bilood ah ayaa loo qorsheeyay in dhinacyada saxiixay heshiiska ay kusoo dhistaan dawladda wadaagga ah oo talada dalka hayn doonta muddada sedaxda sano ah ee soo socota.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka Biyaha XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qadar

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Cabdullaahi Bidhaan...

Soomaaliya oo 35 Sano kadib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo qaabillay wafdi ka socda Saldanadda Cummaan

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...