Sweden iyo Soomaaliya oo wada hadlay

Date:

Muqdisho (SNTV)- Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxammed Cabdullaahi Maxammed Farmaajo ayaa intii  uu socday   kullanka beesha caalamka iyo Soomaaliya ee  ka socda waddanka Belgium magaalad xarunta u ah ee Brussels maalintii labaad waxa uu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Swedan margot wallstrom.

Kulanka madaxweynaha iyo haweeneyda u qaabilsan arrimaha dibadda Sweadan ayaa arrimaha diiradda ay ku saareen waxaa ka mid ah dhismada dowladnimada, amniga iyo hiigsiga horumarada amni ee Soomaaliya ay hiigsaneyso, waxaa intaasi dheer oo ay isla soo hadal qaadeen labada masuul arrimaha haweenka ee dhammaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo hab nololeedka bulshada.

Brussels waxaa ka socdo shir ay ka qeyb galayaan golayaasha dowladda dhexe iyo maamul gobaleedyada, waxaana dhamman dhinacyadaasi hormuud u ah Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Shirka Brussels ayaa la filayo in maanta la soo gaba-gabeeyo, arrimaha sida gaarka ah diiradda loogu saarayo waxaa ka mid ah Maal-gashiga, ganacsiga, dhaqaalaha dowliga ah iyo horumarka dib u habeynta kaabayaasha dhaqaalaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar...

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Saciid Maxamuud Axmed 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Waxaa si rasmi ah u furmay Tartanka Sanadlaha Heer...

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Dowlad Goboleedka Galmudug, Sheekh Muxudiin Yuusuf...