Shibis oo xaqiijisay kaalinta 3-aad ee tartan aqooneedka bisha Ramadan

Date:

Muqdisho (SNTV)-Habeenkan caawa ah waxaa kaalinta 3-aad ee tartanka u wada tartamay degmooyinka Hodan iyo Shibis  oo soo bandhigay dadaalladii ugu dambeeyay.

Tartameyaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey 7– Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen saddex su’aal,  mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen.  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Hodan ay heleen waxay noqotay 6- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay 7-su’aal, waxa ay ka jawaabeen lix  su’aal, waxa  ayna ka faa’iideysteen hal su’al oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Hodan, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Shibis waxay noqotay 14- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay kaalinta saddexaad ee tartanka.

Tartanka ay tabineyso warbaahinta Qaranka isla markaana uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir waxaa habeen dambe oo ah habeenka ugu dambeeyo guud ahaan tartanka ku wada ballansan degmooyinka  Warta Nadda & Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...