Howlgalo lagu Baacsanayo Al shabaab oo ka dhacay Shabeelaha hoose

Date:

Muqdisho (SONNA) Ciidamada xooga dalka ayaa howlgalo lagu Baacsanayo Maleeshiyaadka Nabad diidka Al shabaab waxay ka sameeyeeyn Tuulooyin hoostaga degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha hoose Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Wakaalada SONNA ayaa sheegay in howlgalkan uu horkacayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ay fuliyeen ciidamada Ururka 26-aad ee xooga dalka gaar ahaan guutada sedexaad, isagoona sheegay inuu guul ku soo dhamaaday, lana eryay Maleeshiyada Al shabaab ee ku dhuumaaleysanayay Tuulooyinkaasi.

“Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose oo horkacayo ururka 26-aad guutadiisa sedexaad ayaa waxay howlgalo ka fuliyeen tuulooyin hoostaga degmada Guntuwaareey ee Gobolka Shabeelaha hoose, iyadoo ciidamada ay halkaasi ka fuliyeen howlgal lagu baacsanayay Maleeshiyaadka Al shabaab, waxayna ku guuleysteen ciidamada inay guud ahaanba ka saaraan argagaxisada meelaha ay ku dhuumaaleynsayeen”

Sidoo kale wuxuu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose in  howlgalkan uu hordhac u yahay dagaalka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo dalka looga ciribtirayo Maleeshiyaadka Jid iyo jihadiidka ee Al shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Ruushka oo kala saxiixday heshiis is afgarad Caafimaad

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Mudane Dr....

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen guddiga heer qaran ee la-dagaallanka tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Kulan Muqdisho ku dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga XFS & Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu...

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...