Sadax qof oo naftoodi haligayaal ah oo isku qarxiyay Syria

Date:

Syria(SONNA) Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammanka Dalka Siiriya,Saddex qof oo naftoodi haligayaal ah  ayaa isku qarxiyey meel u dhaw xarunta taliska guud ee booliska Suuriya oo ku taala magaalo madaxda Dalkaasi ee Dimishiq kaasi o geystay khasaare dhimasho iyo dhawac isugu jira.

Wakaaladda wararka dawladda ee SANA oo soo xigatay sarkaal ka tirsan wasaaradda arimaha gudaha ayaa sheegtay in uu yidhi “argagixisadu waxay isku dayeen in ay galaan dhismaha taliska guud ee booliska oo ku yaal wadada Khaalid Bin Waliid ee magaalada Dimishiq”, waxaanu intaa ku daray in askar ilaalo ah “ay ka hortageen dadkii miidaamaha ahaa, oo ay markii ba is qarxiyeen intaanay sooba gelin gudaha”.

Taliyaha booliska gobolka Dimishiq ayaa sheegay in weerarkaasi galaaftay ugu yaraan laba qof oo ay ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen oo qaarkood qabaan dhaawacyo halis ah waxaana taasi ku timid markii laamaha ammaanku ay ka hortageen weerarkaasi oo aanu gaarin hadafkii loogu talagalay.

Magaalada Caasimadda ah ee Dimishiq ayaa la aaminsan yahay in ay ka bad baaday dagaalada sokeeye balse xiliyada qaar ay ka dhacaan weeraro ku dhufo ka dhaqaaq ah.

Bishan horaanteedii ayaa bar kaantarool oo boolisku ku leeyihiin magaalada weerar lagu qaaday ay ku dhinteen 17 qof, waxaana weerarkaa sheegatay kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...