Guddiga amniga ee golaha shacabka oo la kulmay wasiirka amniga gudaha

Date:

Muqdisho(SONNA)-Ujeedada kulanka ayaa aheyd in guddiga golaha shacabka u qaabilsan arrimaha amniga ay su’aalo weydiiyaan wasiirka amniga iyo taliyaha ciidanka booliiska, kaas oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulan ayaa waxaa ka qeybgalay xubnaha guddiga iyo wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo taliyaha ciidanka booliiska Janaraal C/xakiim Daahir Saciid Saacid iyo saraakiil kale oo laamaha amniga ka tirsan.

Xoghayaha guud ee golaha shacabka, C/Kariin Xaaji Cabdi Buux, oo la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in guddiga amniga u qaabilsan golaha shacabka u yeereen wasiirka iyo taliyaha booliiska si wax looga weydiiyo amniga ammaanka dalka quseeya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Kulankn ayaa waxaa uu xiritaan ama gabagebo u ahaa kulamo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho oo amniga uun looga hadlayay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...