Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Date:

Muqdisho (SONNA) Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo gaaray Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa u kuurgalaya Xaaladda deegaano ka tirsan Gobolka Bakool.

Socdaalka ay ku joogaan Degmada Xudur ayaa waxaa ku wehlinaya wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka koonfur galbeed Soomaaliya, iyagoo si gaar ah ay ugu kuur galaya xaaladaha ay ku nool yihiin bulshada Bakool oo ka mida deegaanada hoos yimaada maamulka koonfur galbeed Soomaaliya.

Maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa ku howlan maamul u sameynta Degmada Xudur maadaama baahi weyn ay u qabaan bulshada Degmada Xudur in ay helaan maamul u adeega shacabka.

Degmada Xudur ayaa dhawaan waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayo wasiir ku xigeenka Wasaaradda gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/laahi Colaad Rooble, waxayna u kuur galayaan baahida ay qabaan Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Gobolka Bakool.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...