Madaxweynaha Falastiin oo soo dhaweeyay  go’aanka Dhaq-dhaqaaqa Xamaas

Date:

SONNA,,,New-Yourk (SONNA)- Madaxweynaha Maamulka Falastiin Mahmuud Cabaas abu Mazin ayaa si farxad leh u soo dhaweeyay  go’aankii Taariikhiga ahaa ee uu Ururka Xamaas ku shaaciyay in uu kala direy maamulkiisa, si ay ula midooobaan garabka kale ee Fatah, loona  qabto doorasho guud,

Madaxweynuhu wuxuu  sidoo kale mahadcelin u jeediyay  Dowladda Masar kaalintii ay ka qaadatay talaabadaasi uu gaaday Ururka Xamaas ee ka arrimiyaha Marinka Gaza ee dhulka Falastiin,wuxuuna cadeeyay inay arrintan dedejinayso dhisidda Xukuumad mideysan  iyo Doorasho guud oo mid madaxtinimo iyo Barlamaanba ay ku mideysan yihiin garabyada Fatax iyo Xamaas.

Wakaaladda Wararka ee falastiin ayaa sheegtay  in Madaxweynaha falastiin Maxmuud Cabaas  oo haatan ku sugan Shirka Golaha loo dhan yahay qaraamada Midoobay ee magaalada  New-yourk marka uu dib ugu laabto dhulka falastiin uu shir isugu yeeri dono hogaamiyeyaasha Falastiin ay ay uga aarrinsadaan meel marinta go’aanka ururka xaq u dirirka ah ee Xamaas uu gaaray.

Mahmuud Cabaas abu Mazin wuxuuna cadeeyay inay talaabadani tahay mid loo qaaday dhanka wanaagsan ,isla markaana abuureysa midnimo ka dhexdhalata Falastiiniyiinta.

Taabadan uu qaaday Ururka Xamaas ayaa ka dambeysay kulamo ay sirdoonka masaaridu gar-wadeen ka ahaayeen oo madaxda labada urur ay dhawaanahanba Qaahira ku yeelanayeen.

Marinka jiidda Gaza  ayaa  waxaa ka aloosan xaalad aadanimo oo aad u adag, waxaana ka jirta baahi weyn oo ka dhalatay korontada oo dhulkaasi intiisa badan ka maqan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbax ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay keydad biyo ah oo ay lahaayeen Khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keydkii...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax...

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...