Madaxweynaha Falastiin oo soo dhaweeyay  go’aanka Dhaq-dhaqaaqa Xamaas

Date:

SONNA,,,New-Yourk (SONNA)- Madaxweynaha Maamulka Falastiin Mahmuud Cabaas abu Mazin ayaa si farxad leh u soo dhaweeyay  go’aankii Taariikhiga ahaa ee uu Ururka Xamaas ku shaaciyay in uu kala direy maamulkiisa, si ay ula midooobaan garabka kale ee Fatah, loona  qabto doorasho guud,

Madaxweynuhu wuxuu  sidoo kale mahadcelin u jeediyay  Dowladda Masar kaalintii ay ka qaadatay talaabadaasi uu gaaday Ururka Xamaas ee ka arrimiyaha Marinka Gaza ee dhulka Falastiin,wuxuuna cadeeyay inay arrintan dedejinayso dhisidda Xukuumad mideysan  iyo Doorasho guud oo mid madaxtinimo iyo Barlamaanba ay ku mideysan yihiin garabyada Fatax iyo Xamaas.

Wakaaladda Wararka ee falastiin ayaa sheegtay  in Madaxweynaha falastiin Maxmuud Cabaas  oo haatan ku sugan Shirka Golaha loo dhan yahay qaraamada Midoobay ee magaalada  New-yourk marka uu dib ugu laabto dhulka falastiin uu shir isugu yeeri dono hogaamiyeyaasha Falastiin ay ay uga aarrinsadaan meel marinta go’aanka ururka xaq u dirirka ah ee Xamaas uu gaaray.

Mahmuud Cabaas abu Mazin wuxuuna cadeeyay inay talaabadani tahay mid loo qaaday dhanka wanaagsan ,isla markaana abuureysa midnimo ka dhexdhalata Falastiiniyiinta.

Taabadan uu qaaday Ururka Xamaas ayaa ka dambeysay kulamo ay sirdoonka masaaridu gar-wadeen ka ahaayeen oo madaxda labada urur ay dhawaanahanba Qaahira ku yeelanayeen.

Marinka jiidda Gaza  ayaa  waxaa ka aloosan xaalad aadanimo oo aad u adag, waxaana ka jirta baahi weyn oo ka dhalatay korontada oo dhulkaasi intiisa badan ka maqan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...