Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo tababar u furey askar katirsan qeybta 21-aad ee X.D+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA) Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Taliyaha qaybta 21-aan ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Cabdullaahi Aadan xuseen Cirro ayaa magaalada Cadaado tababar uga furay ilaa 100 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga Dalka qaybtooda 21-aad.

Ciidamadani ayaa loogu talagalay in ay qeyb ka noqdaan xoojinta howlgalada lagu adkeynayo Ammaanka deegaanada Galmudug.

Taliyaha qaybta 21-aad ee ciidanka xooga dalka Cabdullaahi Aadan Xuseen Cirro oo ugu horreyn halkaas ka hadlay ayaa sheegay in tababarkaan uu qayb ka yahay dadaallada kor loogu qaadayo Ciidanka  Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoona ciidanka ku waaniyey inay si dhab ah uga faa’iideystaan tababarka.

“Tababarkani waxaa la idinka doonayaa in aad si wanaagsan aad uga faa’idaysataan,wuxuuna qeyb ka yahay kor u qaadista tayada Ciidanka Xoogga Dalka,ka qeyb qaata sugidda amniga”, Ayuu yiri taliye Cirro.

Taliye Cabdullaahi Aadan Xuseen Cirro ayaa ciidanka uga digay inay jidgooyooyin sharci darro ah dhigtaan, isagoo sheegay in askarigii ku kaca fal sharci darro in lala tiigsandoono maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Dalka.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa ciidamada kula dardaarmay inay daacad ah u guttaan waajibaadka loo idmaday, ayna ugu horreyso xorreynta deegaannada ay cadowgu gacanta ku hayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)...

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...