Muran ka taagan heshiiska hub kala iibsiga ee Ruushka iyo Turkiga

Date:

Wadamada xulufada ka ah Gaashaan Buurta  Nato ayaa waxa ay jawaab ka bixiyeen go’aanka muranka dhaliyay ay dowladda Turkiga heshiiska kula saxiixatay dalka Ruushka, si ay isugu hubayso hannaanka difaaca gantaallada Ruushka ee S-400, taas oo Nato ay ku tilmaantay inuusan la jaanqaadi karin qalabkeeda.

Balse Ruushka ayaa sheegay in hannaanka S-400 uu gaari karo 400km wuxuuna isku mar soo ridi karaa 80 bartilmaameed.

Wadamada Ruusha iyo Turkiga ayaa galay heshiis ku saabsan in ay kala iibsadaan hubka gantaalada, waxaana uu Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, uu sheegay in ay bixiyeen lacago hour dhac ah oo ku saabsan in ay hub kaga soo iibsadaan Moscow.

Lacagadah ku baxaya heshiiskani oo hub kala iibsiga ah ee u dhexeeya Ruushka iyo Turkiga ayaa gaaraysa ilaa 2.5 Billyen oo Dollar,balse waxaa arrintaasi durba saluug ka muujiyay Gaashaanbuurta Nato.

Waddanka Turkiga oo leh ciidammada labaad ee ugu ballaaran xulufada Nato, ayaa xiriir dhaw la sameystay Ruushka kaddib markii uu mugdi soo kala dhexgalay xiriirkii kala dhaxeeyay Mareykanka iyo Yurub.

Turkiga ayaa ka soo horjeeda taageerada Maraykanka ee jabhadda YPG ee Kurdiyiinta Suuriya wuxuuna xiriir dhow uu la leeyahay Wadanka Ruushka oo Mareykanku colaad dhanka siyaasadda iyo diblomaasiyadda ka dhexeyso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA

Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa taariikhda ku galay garsoorihii ugu...

Wasiirka Dekedaha XFS oo la kulmay Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka Sucuudiga

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka...

Wasiirka Cadaaladda XFS oo ka qeyb-galay shir looga hadlaayo dib-u-habaynta Garsoorka dalka

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka...