Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Bangladesh ee Qaxootiga Rohingya

Date:

Dhaka-SONNA-Sheikh Hasina Ra’iisul Wasaaraha Bangladesh, ayaa maanta booqanaysa xerada Kutupalong, ee ay maamusho Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, xeradan ayaa ka mid ah xeryaha qaxootiga ee loo sameeyay Muslimiinta Rohingya.

Todobaadkii la soo dhaafay ayey Sheekh Hasina dhibaato wayn ku sheegtay tobonnaanka kun ee Muslimiinta Rohingya ee dalkeeda soo gaaraya.

Booqashadan ayaa ah tallaabadii ugu weynayd ee ay dowladda Bangladesh ku muujinayso inay ka go’an tahay inay shaaca kaga qaaddo qaxootiga Muslimiinta Rohingya ee ka soo qulqulaya dalka dariska ah ee Myanmar, iyo weliba inay dalbato caawin caalami ah si dhibaatadan wax looga qabto.

Dowladda Bangladesh ayaa  ku dadaalaysa sidii ay u xallin laheyd tiradan sidoo kalana ay u xakamayn laheyd deeqaha aan habeysnayn ee soo gaaraya.

Sidoo kale waxa ay bilowday inay diiwaangeliso dadka cusub ee halkaas soo gaaraya.

Waxaa isbadel uu ku yimid siyaasadda dowladda Bangladesh taas oo markii hore shaki ka qabtay sharciyadda muhaajiriintaasi.

Hasayeeshee haatan waxa ay doonaysaa inay diiwaangeliso dadkaasi, si ay mustaqbalka ugu ogaato inay yihiin muwaadiniin dalka Burma ka soo jeeda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐉𝐅𝐒 waxa uu ku faraxsan...

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota gobolada dalka

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa si habsami leh uga socota magaalada...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa Turkiga 

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Taliyaha Ciidanka Badda CXDS oo Istanbul kula kulmay Madaxa Shirkadda Difaaca Aselsan

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee CXDS Jeneraal...