Mukhtaar Roobow Cali oo caddeeyay in uu ka baxay kooxda Al-shabaab (Daawo Muuqaal)

Date:

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iminka magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuur Mansuur oo dhawaan isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho Mukhtaar Roobow Cali ayaa caddeeyay in uu ka baxay kooxdaasi, isagoo dowladda uga mahadceliyay dadaalka sababay in uu isku soo dhiibo, ayna u socdaan wada hadalo oo uu rajo weyn ka qabo in ay guul ku dhammaadaan.

“Waxaan cadeynayaa inaan ka baxay kooxda AL-shabaab ee aan xubinta ka ahaa muddo 5 sano iyo toddobo bilood ka hor, sababta aan uga baxayna ay tahay dhibaatada ay bulshada ku hayaan iyo dhanka caqiidada, markii aan ka tegay kooxda dhowr jeer oo hore waxa ay isku dayeen in i dilaan, balse Alxamdulillaah waan ka guuleystay” ayuu yiri Mukhtaar Rooboow.

Rooboow ayaa sheegay in muddo uu ku noolaa meel isaga iyo ciidamado taabacsan ay ku sugnaayeen, waxaana uu intaa ku daray in dhawaan ay weerar ku soo qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo uu sheegay in uu iska difaacay kaddib markii uu gacan ka helay ciidamada dowladda, sida uu xaqiijiyey.

Rooboow  ayaa Axaddii la soo dhaafay soo gaaray magaalada Muqdisho, kaddib markii lagu soo wareejiyay gacanta dowladda, waxaana uu sheegay in uu ka shaqeyn doono Nabadda iyo horumarka dadkiisa iyo dallkiisa.

 


Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...