Xarun Tayo Dhawr oo laga hirgeliyay Boosaaso 

Date:

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u tegey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa xarigga si rasmi ah uga jaray xaruntan oo lagu magacaabo Somali Quality Services oo ah xarun shaybaar oo loogu talagalay in lagu baaro Tayada Badeecadaha ka dhoofa Puntland iyo kuwa la keeno.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya ,isagoo digniin adag u diray cidkasta oo isku dayda in gudaha Puntland keenaan badeecad aan tayo laheyn .

“In maanta Puntland yeelato taya dhowr qalabaysan waa wanaag iyo horumar u soo kordhay Puntland, waana mahadsan yihiin ciddi ka qeyb-qaadatay howshaan muhiimka ah ‘’ Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

”Hadda wixii ka dambeeya Bariis caag ah iyo Baasto caag ah ma jiri doono, Puntland lama keeno doono, ciddii ku talagasha inay keento iridaan u fadhinaa hadii uu Alle yiraahdo ”Ayuu hadalkiisa ku daray Mudane Cabdiweli Gaas .

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS” Laascaanood waa magaalada Midnimada iyo Astaanta Soomaaliya”

Laascanood,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...