Xarun Tayo Dhawr oo laga hirgeliyay Boosaaso 

Date:

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u tegey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa xarigga si rasmi ah uga jaray xaruntan oo lagu magacaabo Somali Quality Services oo ah xarun shaybaar oo loogu talagalay in lagu baaro Tayada Badeecadaha ka dhoofa Puntland iyo kuwa la keeno.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya ,isagoo digniin adag u diray cidkasta oo isku dayda in gudaha Puntland keenaan badeecad aan tayo laheyn .

“In maanta Puntland yeelato taya dhowr qalabaysan waa wanaag iyo horumar u soo kordhay Puntland, waana mahadsan yihiin ciddi ka qeyb-qaadatay howshaan muhiimka ah ‘’ Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

”Hadda wixii ka dambeeya Bariis caag ah iyo Baasto caag ah ma jiri doono, Puntland lama keeno doono, ciddii ku talagasha inay keento iridaan u fadhinaa hadii uu Alle yiraahdo ”Ayuu hadalkiisa ku daray Mudane Cabdiweli Gaas .

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...